Qabqab hadalku iigama tagee waa qotomiyaayee,
qalinkaba hadaan khadi ku jirin xaashi qori waayee,
nimay luguhu qaar goan yihiin qaab u socon waaye.
biyo meel qarsoonoo khatara kaga jira qow fog,
adigoo haraad qaba durbaba kuma qabowshaane,
hadiise qaawe kuu dahashiyo qaabil sidigteeda,
qaabkeeda goortaad shantaa lagu qaboobaayee.
